Ogaysiiskaan waxaa loo sameeyey guud ahaan dadka soomaaliyeed gaar ahaan cid walba oo ku dhaqan Somaliland, waxay shirkada British American Tobacco (Brands) Limited. Ciwaankeduna yahay: Globe House, 4 Temple Place, London, WC2R 2PG, United Kingdom, cadeynaysaa inay tahay mulkiilaha iyo ikhtiraacaha calaamad-ganacsiyeedka hoos ku xusan;

“Calaamad-ganacsiyeedku waxay ka kooban tahay naqshad joomatari ah oo gaar ah, oo loo sameeyay labo xariiqo oo waaweyn oo xarafka V u eg, kuwaas oo ah madow, is-barbar yaalla qaab siman oo taag ah. Labada qaabba waxay abuurayaan muuqaal gaar ah oo u eg laba V oo isku xiga, iyadoo xarafka dhinaca midig uu hoos ugu sii fidsan yahay oo uu ku dhammaanayo caarad fiiqan”
XUQUUQDA LAGU SHEEGTAY CALAAMAD-GANASIYEEDKA KORE WAXAY KU SAABSAN TAHAY FASALKA 34AAD EE KALA ABLA ABLEYNTA FASALADA EE WIPO
Fasalka 34aad: Sigaarka; tubaakada, ha ahaato mid ceeriin ama mid la farsameeyey; tubaakada loogu talagalay in qofku sigaarka ahaan u duubo; tubaakada lagu cabo tuubada sigaarka; alaabooyinka tubaakada; waxyaabaha tubaakada lagu beddelo ee aan laga lahayn ujeeddooyin caafimaad; kiishyada nikotiinka ee afka lagu isticmaalo ee aysan tubaakadu ku jirin, kuwaas oo aan loogu talagalin isticmaalid caafimaad; kiishyada nikotiinka ee loo isticmaalo beddelka tubaakada, kuwaas oo aan loogu talagalay ujeeddooyin caafimaad; tubaakada la shiiday ee sanka lagu isticmaalo; snus ay ku jirto tubaako; sarkhaanka sanka laga isticmaalo ee aan tubaakadu ku jirin; snus aan tubaako ku jirin; sigaarka noociisa waaweyn (cigars); sigaarka noociisa yaryar (cigarillos); shidayaasha sigaarka; kabriidada; agabka iyo qalabka loo isticmaalo sigaarka iyo tubaakada; qalabka jeebka lagu qaato ee lagu duubo sigaarka; mashiinnada gacanta lagu isticmaalo ee tubaakada lagu geliyo tuubooyinka waraaqda ah; sigaarka elektaroonigga ah; dareerayaasha lagu isticmaalo sigaarka elektaroonigga ah; alaabooyinka tubaakada ee loogu talagalay in la kululeeyo; iyo xargaha ama strips-ka lagu dhex daray nikotiinka.
Mulkiilaha calaamad-ganaciyaadyadu wuxuu wakhti badan, dadaal, tacab, iyo xoolo galiyey hal abuurista naqshadaha ay u sameysan tahay calaamadiisu, sidoo kale kor u qaadida iyo aqoonsi u helidooda. Calaamad-ganacsiyeedku waa mid guud ahaan caalamka laga aqoonsadey taas oo ku suntan niyad samida iyo sumcad balaaran ee shirkada (mulkiilaha) uu ku dhex lee caalamka.
Ogaysiiskaani waxaa loo sameynaya si loo ogaysiiyo guud ahaan bulshada, ganacsatada, kuwooda jumlada iyo kuwooda tafaariiqda, iyo cid walba oo ku lug leh arimaha ganacsiga noocuu donaba, in calaamad-ganacsiyeedka kor ku xusan ay gaar u tahay iskala lee dahay shirkada British American Tobacco (Brands) Limited, cid walba oo isku deyda amar la’aan ama fasax la’aan isticmaalkeeda, dib u qaabeynteeda, koobigareynteeda, ama si xun u matalideeda iyagoo iska dhigaya iney lee yihiin in dhamaan ay mamnuuc tahay.
OGAYSIISKAAN WAXAA LA SIIYEY dhamaan cid walba ay khuseyso, kuwaas oo ay ku jiraan, dulaalada, ganacsatada, iyo dhamaan shakhsiyaadka, in cidii si sharci daro ah ama xad-gudub ah u isticmaasha calaamad-ganacsiyeedkaas, ay ku xad-gudubtay xaquuqdii gaarka ahayd iyo halabuurkii shirkada British American Tobacco (Brands) Limited. Taas ay ay shirkadu la tiigsan doonto sharciga iyo cadaalada. Xad-gudubka noocaas ah waxaa ka dhalanaya masuuliyad maadi ah iyo mid ciqaab ah taas oo dhigayaan shuruucda dalka soomaliyeed guud ahaan.
Shakhsi, shirkad, ama cid walba oo iska yeelyeesha, koobi gareysa, six un u isticmaasha, ama si kale ugu xadgudubta calaamad-ganacsiyeedkaas, iyagoo wax ogolaansho ah ka haysan mulkiilaha xaqa ah waxay wajahayaan tilaabo sharciga waafaqsan sida ay qabaan shuruucda ilaalinta xuquuqda gaar ah ee Somalia, Somaliland, Puntland iyo deegaanada kale ee dalka British American Tobacco (Brands) Limited, waxaa ka go’an inay cid walba oo ku xad-gudubta ay la tiigsado sharciga iyo cadaalada, qaadana tilaabooyinka ku haboon sida is-hortaagid, magdhow maaliyadeed, garmaqal ciqaabeed si ay uga hortagto cid walba oo aan sifo sharci daro ah ugu xad-gudubta xuquuqdeeda gaarka ah ee mulkiyada iyo hal-abuurida calaamad-ganacsiyeedyada kor ku xusan.
DHAMAAN SHIRKADAHA IYO SHAKHSIYAADKA WAXAA LA OGAYSIINAYAA inay ixtiraamaan ogaysiiskaan ayna ka feejignaadaan isku dey kasta oo keeni kara isku dhaca iyaga iyo mulkiilaha. Cid walba oo u baahan sifo sharci inay u isticmaasho ama loo ogolaado isticmaalkooda waa inay helaan ogolaanshiyaha xaqlaha/mulkiilaha iyagoo ka codsanaya.
Wixii faahfaahin dheeri ah oo ku aadan ogolaansho helida isticmaalka calaamad-ganacsiyeedkaan kor ku xusan waxay lasoo xiriiri karaan:
Spoor & Fisher Jersey Address: PO Box 281, Jersey, JE4 9TW, Channel Islands Email: TMApps@spoor.co.uk | ABISOM IP & Law Firm Address: Adani Tower, Hodan ZN, Mogadishu, Somalia Email: info@abisomip.com |
Si aad u heshid daabadaca rasmiga ah ee lagu daabacay wargeyska, Fadlan ku dhufo linkiga hoose: