SOMALI: SOMALILAND OGAYSIIS CALAAMAD-GANACSI: DUNHILL TOBACCO OF LONDON LIMITED

Ogaysiiskaan waxaa loo sameeyey guud ahaan dadka soomaaliyeed gaar ahaan cid walba oo ku dhaqan Somaliland, waxay shirkada Dunhill Tobacco of London Limited. Ciwaankeduna yahay: Globe House, 4 Temple Place, London WC2R 2PG, United Kingdom, cadeynaysaa inay tahay mulkiilaha iyo ikhtiraacaha calaamad-ganacsiyeedka hoos ku xusan;

image-39.png

“Calaamad-ganacsiyeedku waxay ka kooban tahay erayga “DUNHILL” oo ku qoran xarfo waaweyn oo qaab gaar ah leh kuna dhex yaalla xuduud afar-gees ah. Erayga korkiisa waxaa ku yaalla astaan yar oo box labo libaax hayaan oo qurxin ah, halka hoostiisana ay ku qoran tahay “TOBACCO OF LONDON LTD”. Astaantu sidoo kale waxay leedahay saxiixa “Dunhill” oo qaab far-qoraal gaar ah leh, kaas oo ku yaalla qaybta hoose, iyadoo dhammaan naqshaddu ku dhex taallo asal buluug madow ah oo leh naqshado iyo qurxinno kala duwan”

XUQUUQDA LAGU SHEEGTAY CALAAMAD-GANASIYEEDKA KORE WAXAY KU SAABSAN TAHAY FASALKA 34AAD EE KALA ABLA ABLEYNTA FASALADA EE WIPO 

Fasalka 34aad:              Sigaarka; sigaarka noociisa waaweyn (cigars); sigaarka noociisa yaryar (cigarillos); tubaakada loogu talagalay in qofku sigaarka ku duuto; tuubada lagu cabo tubaakada iyo sigaarka; iyo alaabooyinka tubaakada.

Mulkiilaha calaamad-ganaciyaadyadu wuxuu wakhti badan, dadaal, tacab, iyo xoolo galiyey hal abuurista naqshadaha ay u sameysan tahay calaamadiisu, sidoo kale kor u qaadida iyo aqoonsi u helidooda. Calaamad-ganacsiyeedku waa mid guud ahaan caalamka laga aqoonsadey taas oo ku suntan niyad samida iyo sumcad balaaran ee shirkada (mulkiilaha) uu ku dhex lee caalamka.

Ogaysiiskaani waxaa loo sameynaya si loo ogaysiiyo guud ahaan bulshada, ganacsatada, kuwooda jumlada iyo kuwooda tafaariiqda, iyo cid walba oo ku lug leh arimaha ganacsiga noocuu donaba, in calaamad-ganacsiyeedka kor ku xusan ay gaar u tahay iskala lee dahay shirkada Dunhill Tobacco of London Limited, cid walba oo isku deyda amar la’aan ama fasax la’aan isticmaalkeeda, dib u qaabeynteeda, koobigareynteeda, ama si xun u matalideeda iyagoo iska dhigaya iney lee yihiin in dhamaan ay mamnuuc tahay.

OGAYSIISKAAN WAXAA LA SIIYEY dhamaan cid walba ay khuseyso, kuwaas oo ay ku jiraan, dulaalada, ganacsatada, iyo dhamaan shakhsiyaadka, in cidii si sharci daro ah ama xad-gudub ah u isticmaasha calaamad-ganacsiyeedkaas, ay ku xad-gudubtay xaquuqdii gaarka ahayd iyo halabuurkii shirkada Dunhill Tobacco of London Limited. Taas ay ay shirkadu la tiigsan doonto sharciga iyo cadaalada. Xad-gudubka noocaas ah waxaa ka dhalanaya masuuliyad maadi ah iyo mid ciqaab ah taas oo dhigayaan shuruucda dalka soomaliyeed guud ahaan. 

Shakhsi, shirkad, ama cid walba oo iska yeelyeesha, koobi gareysa, six un u isticmaasha, ama si kale ugu xadgudubta calaamad-ganacsiyeedkaas, iyagoo wax ogolaansho ah ka haysan mulkiilaha xaqa ah waxay wajahayaan tilaabo sharciga waafaqsan sida ay qabaan shuruucda ilaalinta xuquuqda gaar ah ee Somalia, Somaliland, Puntland iyo deegaanada kale ee dalka Dunhill Tobacco of London Limited, waxaa ka go’an inay cid walba oo ku xad-gudubta ay la tiigsado sharciga iyo cadaalada, qaadana tilaabooyinka ku haboon sida is-hortaagid, magdhow maaliyadeed, garmaqal ciqaabeed si ay uga hortagto cid walba oo aan sifo sharci daro ah ugu xad-gudubta xuquuqdeeda gaarka ah ee mulkiyada iyo hal-abuurida calaamad-ganacsiyeedyada kor ku xusan.

DHAMAAN SHIRKADAHA IYO SHAKHSIYAADKA WAXAA LA OGAYSIINAYAA inay ixtiraamaan ogaysiiskaan ayna ka feejignaadaan isku dey kasta oo keeni kara isku dhaca iyaga iyo mulkiilaha. Cid walba oo u baahan sifo sharci inay u isticmaasho ama loo ogolaado isticmaalkooda waa inay helaan ogolaanshiyaha xaqlaha/mulkiilaha iyagoo ka codsanaya.

Wixii faahfaahin dheeri ah oo ku aadan ogolaansho helida isticmaalka calaamad-ganacsiyeedkaan kor ku xusan waxay lasoo xiriiri karaan:

Spoor & Fisher Jersey

Address: PO Box 281, Jersey, JE4 9TW, Channel Islands

Email:  TMApps@spoor.co.uk 

ABISOM IP & Law Firm  

Address: Adani Tower, Hodan ZN, Mogadishu, Somalia  

Email:  info@abisomip.com 

 

يشارك: