SOMALI: OGAYSIIS MUHIIM AH: Shirkada TIGI HOLDINGS LIMITED

Ogaysiiskaan waxaa bixinaysa shirkada TIGI HOLDINGS LIMITED , taas oo ah shirkad ku dhisan sharciga England iyo Wales, ee Boqortooyada Ingiriiska, ciwaankeeduda yahay, 1 Scott Place, 2 Hardman Street, Manchester, M3 3AA, United Kingdom. Shirkadan oo ah mulkiilaha iyo xaqlaha calaamad-ganacsiyeedka hoos ku xusan taas oo ay ka heshay  Unilever Global IP Limited , calaamadaas oo loogu tala galay in lagu ilaaliyo gudaha Somaliland, Puntland, iyo Somaliya guud ahaan, lagana ilaaliyey wax kasta ku xad-gudub ah.  

BRUT 

“Calaamad-ganacsiyeedkan kore waxay ka kooban tahay ereyga “BRUT” kaas oo ku qoran farta waaweynka ee laatinka ahna madow iyo cadaan.”

MULKIILUHU WUXUU SHEEGANAY XUQUUQAADKA KU XUSAN FASALKA 3AAD EE KALA ABLA-ABLAYNTA CALAAMAD GANACSIYEEDYADA WIPO.

Saabuunaha; cadarada, saliidaha lagama maarmaanka ah, waxyaalaha la isku qurxiyo; colognes, eau de toilette, carfisooyinka jirka; saliidaha, kiriimyada iyo looshinka jirka; dawada xiirashada, jeelka xiirashada, kareenada xiirid ka hor iyo xiirid ka dib la isticmaalo; budada talcum; agabka qubayska iyo jir-dhaqida; kareemka timaha; ilkaha; daawada dhaqidda afka oo aan kiimikada lahayn; carfisooyinka; agabka la dagaalanka bararka ee isticmaalka shakhsi ahaaneed; agabka isku naashnaashida ee musqusha ee aan kiimikada lahayn.  

Mulkiiluhu waxa uu xaq u yeelanayaa in uu iska diwaan geliyo iyadoo la raacayo Xeerka Sumadaha Ganacsiga Puntland ee Lr. 02 soo baxay 10 September 2024, iyo Xeerka  Somaliland United Kingdom Trade Marks Ordinance lr. 9 ee soo baxay 6 August 1938, iyada oo loo tixgalinaayo Diiwaan numberka Calaamad-Ganacsiyeedkaan ee Boqortooyada Ingiriiska oo ah UK00909103219. 

OGEYSIISKAAN WAXAA LA OGEYSIINAYAA DHAMMAAN DADKA AY KHUSEYSO OO AY KU JIRAAN GANACSATADA, in mulkiilaha magaciisu kore ku xusan yahay uu yahay kan leh mulkiyada iyo xaqa guud ee calaamad-ganacsiyeedka kor ku xusan. Qof kasta, ama shirkad kasta oo lagu qabto inay isticmaalayso calaamad ganacsiyeedkaan kor ku xusan fasax la’aan, koobi-gareeya, ama si khaldan u isticmaala, ku xadgudba ama wax u eg keena, si ay u majara habaabiyaan macaamisha iskagana dhigaan inay yihiin ama matalayaan mulkiilaha, waxaa loo tixgalindoonaa inay ku kaceen fal-danbiyeed sidoo kalena ku xad-gudbeen xaquuqda mulkiilaha.

Mulkiiluhu waxa uu xaq u leeyahay in uu qaado dhammaan tillaabooyinka sharciga waafaqsan ee lagama maarmaanka ah, oo ay ku jiraan dacwadaha madaniga iyo ciqaabta ah ee ka dhanka ah shakhsiga, shirkadda, ama cid-kasta ee lagu helo in ay ku lug leedahay ku xadgudbka xaquuqda mulkiilaha/xaqlaha sida waafaqsan shuruucda Soomaaliya, Somaliland, iyo Puntland. Ku xad-gudbayaasha waxaa qaadanaya cawaaqibka ka dhasha ficilka ay sameeyaan.

Wixii Faahfaahin dheeri ah, fadlan waxad la xiriidhaa 

Stobbs

Cambridge, United Kingdom

Email:  atlas@iamstobbs.com  

Tel: (+44) 1223 435240

ABISOM IP & Law Firm

Mogadishu, Somalia

Email:  info@abisomip.com 

Tel: (+252) 906794501

Si aad u heshid daabadaca rasmiga ah ee lagu daabacay wargeysta, Fadlan ku dhufo linkiga hoose: 

https://horseedmedia.net/ogaysiis-muhiim-ah-shirkada-tigi-holdings-limited/411041/

Share: