Ogaysiiskaan waxaa loo sameeyey guud ahaan dadka soomaaliyeed, waxaa samaynaysa shirkada VIPASSANA MEDITATION CENTRE LIMITED taas oo ku dhisan sharciyada dalka Ustareeliya, ciwaankeedu yahay: 212 Station Street, Blackheath, New South Wales 2785, Australia, waxay cadeynaysaa inay tahay mulkiilaha iyo ikhtiraacaha calaamad ganacsiyeedka hoos ku xusan;
"Tani waa calaamad-ganacsiyeed hab qoraaleed ah oo ka dhigan nidaamka fikirida ama maskax dajinta ee loo yaqaan" Vipassana Meditation sida uu u baray S.N. Goenka "Calaamaddu waxay tilmaamaysaa adeegyada khuseeya fikirida iyo barnaamijyoada waxbarashada ama tababarada la xiriira, kuwaas oo khuseeya nidaamka fikirida ama maskax dajinta, iyadoo xoogga saaraysa si aan koox-koox ahayn, ee ah si shakhsi ah, kaas oo loogu talagalay nadiifinta maskaxda iyo isbeddelka shakhsi ahaaneed."
XUQUQADKA KU XUSAN FASALKA 41AAD EE KALA ABLA ABLAYNTA WIPO
Waxbarasho, bixinta tababaro, maaweelo, ciyaaraha iyo hawlo dhaqameedka.
Fasalka 41 wuxuu daboolayaa inta badan adeegyada ay bixiyaan dadka ama xarumaha (cilmu nafsiga) horumarinta maskaxda dadka. Fasalkan waxa uu daboolaya si gaar ah adeegyada ka kooban dhammaan noocyada waxbarashada dadka; Soo bandhigida shaqooyinka laxiira muuqaalada fanka khuseeya ama suugaanta ee dadweynaha sababo waxbarasho awgeed.
Mulkiilaha calaamad-ganaciyaadyadu wuxuu wakhti badan, dadaal, tacab, iyo xoolo galiyey hal abuurista naqshadaha ay u sameysan yihiin calaamadihiisu, sidoo kale kor u qaadida iyo aqoonsi u helidooda, waxayna ka turjumayaan kuwa lagu beekhaamiyey adeegyada waxbarasho ee uu mulkiiluhu bixiyo. Calaamad-ganacsiyeedyadu waa kuwa guud ahaan caalamka laga aqoonsadey kuwaas oo ku suntan niyad samida iyo sumcad balaaran ee shirkada (mulkiilaha) uu ku dhex lee yahay suuqa bixinta koorsooyinka waxbarashada khuseeya.
Ogaysiiskaani waxaa loo sameynaya si loo ogaysiiyo guud ahaan bulshada, ganacsatada, kuwooda jumlada iyo kuwooda tafaariiqda, iyo cid walba oo ku lug leh arimaha ganacsiga noocuu donaba, in calaamad-ganacsiyeedyadaas kor ku xusan ay gaar u yihiin iskala lee dahay shirkada Vipassana Meditation Centre Limited, cid walba oo isku deyda amar la’aan ama fasax la’aan isticmaalkooda, dib u qaabeyntooda, koobigareyntooda, ama si xun u matalidooda iyagoo iska dhigaya iney lee yihiin in dhamaan ay mamnuuc tahay.
OGAYSIISKAAN WAXAA LA SIIYEY dhamaan cid walba ay khuseyso, kuwaas oo ay ku jiraan, dulaalada, ganacsatada, iyo dhamaan shakhsiyaadka, in cidii si sharci daro ah ama xad-gudub ah u isticmaasha calaamad-ganacsiyeedyadaas, ay ku xad-gudubtay xaquuqdii gaarka ahayd iyo halabuurkii shirkada Vipassana Meditation Centre Limited. Taas ay ay shirkadu la tiigsan doonto sharciga iyo cadaalada. Xad-gudubka noocaas ah waxaa ka dhalanaya masuuliyad maadi ah iyo mid ciqaab ah taas oo dhigayaan shuruucda dalka soomaliyeed guud ahaan.
Shakhsi, shirkad, ama cid walba oo iska yeelyeesha, koobi gareysa, six un u isticmaasha, ama si kale ugu xadgudubta calaamad-ganacsiyeedyadaas, iyagoo wax ogolaansho ah ka haysan mulkiilaha xaqa ah waxay wajahayaan tilaabo sharciga waafaqsan sida ay qabaan shuruucda ilaalinta xuquuqda gaar ah ee Somalia, Somaliland, Puntland iyo deegaanada kale ee dalka. Vipassana Meditation Centre Limited, waxaa ka go’an inay cid walba oo ku xad-gudubta ay la tiigsado sharciga iyo cadaalada, qaadana tilaabooyinka ku haboon sida is-hortaagid, magdhow maaliyadeed, garmaqal ciqaabeed si ay uga hortagto cid walba oo aan sifo sharci daro ah ugu xad-gudubta xuquuqdeeda gaarka ah ee mulkiyada iyo hal-abuurida calaamad-ganacsiyeedyada kor ku xusan.
DHAMAAN SHIRKADAHA IYO SHAKHSIYAADKA WAXAA LA OGAYSIINAYAA inay ixtiraamaan ogaysiiskaan ayna ka feejignaadaan isku dey kasta oo keeni kara isku dhaca iyaga iyo mulkiilaha (Vipassana Meditation Centre Limited). Cid walba oo u baahan sifo sharci inay u isticmaasho ama loo ogolaado isticmaalkooda waa inay helaan ogolaanshiyaha xaqlaha/mulkiilaha iyagoo ka codsanaya.
Wixii faahfaahin dheeri ah oo ku aadan ogolaansho helida isticmaalka calaamad-ganacsiyeedkaan kor ku xusan waxay lasoo xiriiri karaan:
Vipassana Meditation Centre Limited Address: PO Box 103, Blackheath NSW 2785 Email: info@bhumi.dhamma.org Tel: +61 487 510 407 | ABISOM IP & Law Firm Address: Mogadishu & Garowe - Somalia Email: info@abisomip.com Tel: (+252) 906794501 |
Si aad u heshid daabadaca rasmiga ah ee lagu daabacay wargeysta, Fadlan ku dhufo linkiga hoose:
https://horseedmedia.net/ogaysiis-muhiim-ah-shirkada-vipassana-meditation-centre-limited/414142/